xaflada xil wareejinta

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska JSL ayaa maanta si rasmi ah xilka ugu kala Wareejiyey Agaasimihii hore ee Wasaaradda iyo Agaasimaha cusub ee uu dhowaan Madaxweynuhu soo magcaabay. 

(Hargeysa) 25-10-2021, Wasiirka  Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska JSL Mudane Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) ayaa maanta si rasmi Xilka ugu kala wareejiyey Agaasimihii hore ee Wasaaradda Mudane Cabdiraxman Maxamed Muxumed (Eng Abdeeq) iyo Agaasimaha cusub ee Wasaaradda Mudane Xamse Xaamud Guuleed oo dhowaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi usoo magcaabay xilka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda.
Munaasibada xil wareejinta oo ka dhacday Xarunta dhexe ee Wasaaradda ayaa waxa ka soo qayb galay Marti sharaf kala duwan oo ka kala socday laamaha Dowladda sida; Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arimaha Dibadda, Agaasimaha guud ee Komishanka Maamul Wanaaga, waxaa iyaguna dhinacooda qayb ka ahaa munaasibada Wasiirka Wasaaradda, Agaasimihii guud ee hore, Agaasimaha cusub, Agaasime Waxeedadda, iyo Shaqaalaha Wasaaradda. 

Munaasibadan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ujeedadeeduna ahayd Xilwareejin, Sagootin iyo soo dhoweyn ayaa ugu horayn waxa halkaasi ka hadlay la taliyaha Wasiirka Mudane Maxamed Mixile Boqore oo furitaanka munaasibadda ka jeediyey Hadal soo dhoweyn ah, waxaa sidoo kale isaguna dhinaciisa halkaasi kasoo jeediyey hadalo u badnaa duco, dardaaran iyo Dhiiri gelin Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo arimaha Mudane Mustafe Maxamuud Cali isagoona dheegay muhiimada ay Qaranka ugu fadhido Wasaaraddani iyo Shaqada culus ee ay u hayso Qaranka oo u baahan karti iyo Dedaal dheeraad ah. Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arimaha Debedda ayaa isaguna dhiniciisa sheegay Aqoonta dheer ay isu leeyihiin Agaasimaha cusub iyo Wada shaqaynta ka dhaxaysa Wasaaraddaha Ganacsiga iyo Arimaha Debadda inay muhiim tahay isla markaana uu aad ugu dheeraaday waayo aragnimada iyo Aqoonta Agaasimaha cusub isagoona xusay inuu yahay Shakhsi u qalma shaqadaas. Waxaa iyaduna dhinaceeda halkaasi kasoo jeedisay hadalo dardaaran iyo Duco ah Agaasimaha guud ee komishanka Maamul wanaaga Marwo Farxiya Maxamed.

Ugu dambayntiina, waxaa isaguna halkaasi ka hadlay Agaasimihii hore ee Wasaaradda oo ka xog waramay Qaybaha kala duwan ee Wasaaradda sida;  Shaqaalaha, Qalabka, Gaadiidka iyo wixii u qabsoomay mudadii uu joogay iyo waxa u qorshaysan Wasaaradda, dhinaca kale waxa isuguna halkaasi uga mahad celiyey Marti sharaftii iyo dhamaan Shaqaalaha Wasaaradda Agaasimaha cusub isagoona sheegay inuu halkaasi ka sii dardar gelin doono shaqada talooyinka loo soo jeediyeyna uu qaadan doono, Gabagabadiina waxaa halkaasi ka hadlay Wasiirka Wasaaradda oo uga mahad celiyey Agaasimihii hore wada shaqayntii fiicnayd ee ka dhaxaysay isagoo dhinaca kalena kusoo dhoweeyey Agaasimaha  cusub sheegayna inuu rajaynayo inay si kasii fiican u wada shaqayn doonaan, waxaana  uu si rasmi ah xilka ugu kala wareejiyey labadda Agaasime.