Shirka Toddobaadlaha ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Maanta ka Qabsoomay Xarunta Wasaaradda, Shirkan oo uu Guddoominayay Wasiirka Wasaara
24-ka May, 2025 – HargeysaShirka Toddobaadlaha ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Maanta ka Qabsoomay Xarunta Wasaaradda, Shirkan oo uu Guddoominayay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska, Mudane Cabdiraxmaan Xasan Nuur, oo ay Wehelinayeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Maxamuud Xuseen Aadam (Jabaake), iyo Agaasimeyaasha Waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda.
Shirka ayaa Diiradda lagu Saaray Arrimo Muhiim ah, oo ay ka Mid yihiin:
Guddiga qabanqaabada xuska 18-ka May ayaa soo bandhigay warbixin ku saabsan kaalintii ay wasaaraddu ka qaadatay munaasibadda Maalinta Qaranka, waxaanay tilmaameen dadaallada ay sameeyeen, sida isku-duwidda hawlaha, ka qaybgalka wasaaradda ee munaasabadaha kala duwan ee ka qabsoomay gobollada oo dhan, iyo sida looga shaqeeyay in la muujiyo horumarka iyo doorka dalxiiska ee dalka, maadaama ay ka soo qayb geliyeen dalxiisayaal badan.
Shirka waxa kale oo lagu falanqeeyay qorshaha sanadlaha ee waaxyaha kala duwan ee wasaaradda, kaasoo Waaxda Qorshaynta ay ku samaysay dib-u-eegis guud, waxaana talooyin wax-ku-ool ah laga soo jeediyay sidii loo xoojin lahaa waxqabadka waaxyaha iyo fulinta hawlaha muhiimka ah ee horumarka u horseedaya dalka.
Ugu dambayn, Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska, Mudane Cabdiraxmaan Xasan Nuur, ayaa ammaan iyo bogaadin u jeediyay dhammaan agaasimayaasha waaxyaha wasaaradda, isagoo ku amaanay dedaalka iyo shaqooyinka muhiimka ah ee ay qabteen muddadii la soo dhaafay, waxaanu ku dhiirrigeliyay in la sii xoojiyo wada-shaqaynta, dardar-gelinta hawlaha wasaaradda, iyo u adeegidda bulshada si hufan oo mas’uuliyad leh.