Waxa maanta xarunta Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland ka qabsoomay shirkii joogtada ahaa ee ay isugu iman jireen hayadaha xubnaha ka ah marinka Berbera (Berbera Corridor)

Waxa maanta xarunta Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland ka qabsoomay shirkii joogtada ahaa ee ay isugu iman jireen hayadaha xubnaha ka ah marinka Berbera (Berbera Corridor)
Kulanka waxaa shirgudoominayay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda mudane Sacad Cali Shire waxaana kasoo qayb galay qaybo kamid ah hay'adaha xubnaha ka ah mashruuca oo ay kamid yihiin Wasiirka Wasaaradda Arimaha Dibadda, Wasiirka Qorshaynta Qaranka, Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Ganacsiga iyo Dalxiiska, Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka, Gudoomiyaha hay'adda Tayada, Gudoomiyaha hay'adda Caymiska Qaranka Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo dhammaan gudida farsamo ee marinka Berbera.
Waxaana warbixino lagaga dhagaystay gudida farsamo halka uu marayo mashruuca Berbera corridor, taasoo isugu jirtay qaybaha kaabayaasha dhaqaale ee sida wadooyinka iyo Hargeisa bypass iyo qaybaha kale ee ay kamid yihiin heshiisyada Transitka iyo Tradeka.
Waxa kale oo aad looguu lafaguray dhibaatooyinka ganacsi ee kajira Wajaale.
Ugu dambayntii waxa la isla qaatay in la hir galiyo talooyinka ay soo jeediyeen masuuliyiinta kasoo qayb galay shirka.