Waxa maanta dalka laga xusay Maalinta Dalxiiska Adduunka oo sannad walba la qabto 27 September, 2022.

Waxa maanta dalka laga xusay Maalinta Dalxiiska Adduunka oo sannad walba la qabto 27 September, 2022. Laba u jeedo ayaa loo xusaa oo ah in la is xasuusiyo horumar ka laga samaynayo wadaagaha dalxiiska, caqabadaha jira iyo siddii loola iman lahaa siyaasaddo iyo xeerar dhiiri galiya horumarinta dalxiiska Dalkeena.
Wasiiradda Ganacsiga & Dalxiiska, Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada, Horumarinta Maal-gashiga iyo Warshadaha, Wasiir Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-galinta, Agaasimayaasha Guud ee Ganacsiga iyo Dalxiiska, Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, Gudoomiye Xigeenka Hay’adda Madaaradda & Duulista ayaa ka mid ahaa martidii hadalada ku aadan Dalxiiska madasha Ka jeediyay.
Ugu horeyn, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga & Dalxiiska Mudane Abdirashid Ibrahim Sh. Abdirahman ayaa jeediyay hadal soo dhawayn & hawl qabadka Wasaaradda ku aadan. Waxa si rasmi ah Munaasabadda Xuska Maalinta Dalxiiska Adduunka u furay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska JSL Mudane Mohamoud Hassan Sacad “Saajin”