
Waxa Maanta (31-12-2024), Magaalada Berbera gaadhay Wafti uu Hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska,JSL Mudane Cabdiraxmaan Xasan Nuur, Waftiga Waxa ku wehelinayey Agaasimaha Guud Mu
Waxa Maanta (31-12-2024), Magaalada Berbera gaadhay Wafti uu Hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska,JSL Mudane Cabdiraxmaan Xasan Nuur, Waftiga Waxa ku wehelinayey Agaasimaha Guud Mudane Cabdirashiid Ibraahim Cabdiraxmaan iyo Agaasimaha Waaxda Xidhiidhka Gobolada iyo kastamada Mudane Cabdicasiis Axmed Kaariye.Ujeeddda Safarka Waftiga ayaa ahaa in ay kormeer ku soo sameeyaan Goobaha Ganacsi ee kuyaala Magaaladda Berbera.
Goobaha Ganacsi ee ay waftigu kormeerka ay ku soo mareen Waxa ka mid ahaa Haamaha shidaalka Berbera,Shaybaadhka Shidaalka Berbera iyo Shaybaadhka Ha,yada Dhawrista tayada kaasi oo lagu baadho Cuntada iyo Dawadda.
Waftigga uu hogaaminayey Wasiirka ganacsiga iyo Dalxiisku Waxa ay kulamo laqaateen Maareeyaha Haamaha Shidaalka Berbera Axmed Ibrahim Cabdi, iyo Maareeyaha Guud ee Dakadda Berbera Siciid Xasan Cabdilaahi, Masuuliyiintan ayaa dhamaantood ka warbixiyey Habsami u socodka shaqooyinka ee ay masuulka kayihiin, sidookale Wasiirka Ganacsiga iyo Dalxiiska ayaa Maant Xaliyey Khilaaf ka dhextaagnaa Maareeyaha Haamaha Shidaalka iyo Shaqaalaha ka dib Markii la isla afgartay arintii khilaafka keentay.
Waftigan oo joogi doona magaalada Berbera Mudo laba cisho ah Waxa uu lakulmidoonaa ganacstada kala duwan ee Gobolka Saaxil.