
Waxa kulan dhex maray madaxda Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska iyo Hay’adda Food & Agriculture Organization (FAO)
Waxa maanta oo Sabti ah 25/01/2025, kulan ku dhex maray Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland Wasiirka Wasaaradda iyo Ganacsiga iyo Dalxiiska, Cabdiraxman Xasan Nuur, Wasiir ku-xigeenka Jawhar Siciid Warsame , Agaasimaha Guud Mahamoud Xuseen Aadan (Jabaake) iyoHay’adda Food & Agriculture Organization (FAO) oo ay ka socdeen Dr. Papa Gora Ndiaye iyo Dr. Cabdikariim Cismaan Mooge, Wasiirka wasaradda ayaa ku soo dhaweyey wasaaradda ganacsiga iyo dalxiska isagoo ka dhawaajiyey inaanu noqon kulankani kulan u dambeeyay Wasiirka ayaa u sharaxay qaabka wasaaradda ganacsiga iyo dalxiisku u shaqayso iyo qodobada ugu muhiimsan ee ay ka rabaan Hay’adda FAO inay kala shaqayso. Falanqayn dheer kadib waxa wasaaradda iyo FAO isla afgarteen in ay ka wada shaqeeyaan Sidii kor loogu qaadi lahaa tababaradda shaqaalaha wasaaradda iyadoo laga eegayo dhinacyo kala duwan sida Trade Policy, Fisher Sector.
Masuuliyinta ka socday Hay’adda FAO waxa iyaguna sheegen inay hada wadaan qorshihi loo samayn lahaa Somaliland Strategic Fishery Plan kaas oo ay muhiim u tahay in wasaaradda ganacsiga iyo dalxisku dhankeeda ka qayb qaadato. Waxanu balan qaday in ka hay’ad ahaan (FAO) inay kala shaqayn doona qorshayaasha ay wasaaraddu u soo gudbiso
Allaa Mahadleh