Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska JSL Mudane Mohamed Hassan Saad "Saajin" ayaa shir gudoomiyay kulan ay isugu yimaadeen hayaddaha dawladda ee ku shaqada leh Ganacsiga, amniga, Socdaalka, Maa

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska JSL Mudane Mohamed Hassan Saad "Saajin" ayaa shir gudoomiyay kulan ay isugu yimaadeen hayaddaha dawladda ee ku shaqada leh Ganacsiga, amniga, Socdaalka, Maalgashiga iyo Xafiiska Garyaqaanka Guud oo ka qabsoomay Xarunta Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska JSL.
Waxa uu ahaa Kulan lagaga arrinsayay arrimaha horumarinta Ganacsiga, ganacsatada dalka raba in ay ganacsiyo ka sameeyaan iyo soo jiidashada Maal Gashadayaasha.
Wasiiradda Arrimaha Gudaha, Maalgashiga, Garyaqaanka Guud, Taliyaha Ciidanka Socdaalka, wasiir Xigeenka iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga ayaa ka mid ahaa masuuliyinta kula ku u qabsoomay.