Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska, JSL Mudane Cabdiraxmaan Xasan Nuur, ayaa guddi Kormeer iyo Xog-raadis ah u diray Haamaha shidaalka Berbera,kuwaas oo halgalkooda shaqo bilaabay...

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska, JSL Mudane Cabdiraxmaan Xasan Nuur, ayaa guddi Kormeer iyo Xog-raadis ah u diray Haamaha shidaalka Berbera,kuwaas oo halgalkooda shaqo bilaabay 29/12/2024, si ay uga soo warbixiyaan hannaanka Ganacsi ee Haamaha shidaalka iyo dhamaan arimaha laxidhiidha habsami u socodka hawlaha shaqo ee Haamaha shidaalka Berbera. Gudiga Xor-raadiska iyo Kormeerka u tagay Haamaha shidaalka Berbera, Waxa ay diirada saareen shaqada Baaxada leh ee ka socota Kaydka Haamaha shidaalka,Shaybaadhka Shidaalka iyo wixii Cabashooyin ah ee ku aaddan habsami u socdka hawlaha Haamaha Kayd shidaalka Berbera,Waxaana laga filayaa hawlgalkan shaqo inay kasoo baxaan talooyin wax ku ool ah oo lagu horumarinayo ganacsiga shidaalka iyo kobcinta kaabayaasha lagama maarmaanka u ah arimaha shidaalka iyo ganacsiga .