Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska oo kaashanaysa Rugta Ganacsiga ayaa qabatay Shirkii Wadaagaha Dhaqaalaha.

Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland oo kaashanaysa Rugta Ganacsiga ayaa qabatay Shirkii Wadaagaha Dhaqaalaha.

Shirkan oo lagaga tashado arimaha la xidhiidha Dhaqaalaha waxa hogaamisa Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska waxaanu qabsoomaa sadexdii biloodba mar waxaana kasoo qayb galay masuuliyiin kala duwan oo ka kala socda Haayadaha Xukuumada sida Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda maaliyadda, Gudoomiye ku-Xigeenka Baanka, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqo galinta iyo Arimaha Qoyska , Agaasimaha Guud ee haayadda Caymiska Qaranka iyo Masuuliyiin kale oo kala socda Wasaaradaha ay qusayso Arimaha Dhaqaalaha sidoo kale waxa kasoo qayb galay Haayadaha madax banaan iyo Ganacsatada.

Arimaha ugu muhimsan ee shirka lagu lafo guray waxa kamida Xeerka ilaalinta Hanti maskaxeedka, Siyaasadda iskaashiga Dawladda iyo Ganacsatada, diyaarinta Qorshaha Qaranka ee sadex waxaana shirka kasoo baxay arimo muhiim u ah dhamays tirka Siyaasadan.

Gabagabadii waxa shirka soo afmeeray Wasiir ku-xiggeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska mudane Muuse Ibraahim Yuusuf Selef oo ku dheeraaday muhiimada ay leedahay xoojinta shirarka noocan ah oo natiijada kasoo baxda ay tahay mid horseeda isku xidhnaan iyo hormar dhinaca Dhaqaalaha ah.