Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska JSL oo kaashanaysa Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL Waxa ay soo qaban-qaabisay shir balaadhan oo lagu soo bandhigay Qorshaha horumarineed ee Dalxiiska Dalka JSL

Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska JSL oo kaashanaysa Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL Waxa ay soo qaban-qaabisay shir balaadhan oo lagu soo bandhigay Qorshaha horumarineed ee Dalxiiska Dalka JSL.
Shirka waxa qayb ka ahaa Wasiirada Wasaaradaha Dalxiiska, Maaliyada,Maalgashiga, Hawlaha Guud, Arrimaha Dibadda, Arrimaha Gudaha, Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada, Gudoomiyaha Hay’adda Caymiska Qaranka JSL, Hay’adda Socdaalka iyo Madaarada iyo Maayarka Dawladda Hoose ee Hargeysa.