Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska JSL oo kaashanaysa Shirkadda DAI International, waxa ay soo qaban qaabisay kulan maalin ah oo ku saabsan Daraasad laxidhiidha caqabadaha hortaagan Ganacsiga mara mar
Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska JSL oo kaashanaysa Shirkadda DAI International, waxa ay soo qaban qaabisay kulan maalin ah oo ku saabsan Daraasad laxidhiidha caqabadaha hortaagan Ganacsiga mara marin Ganacsiyeedka Berbera.Kulanka waxa ka soo qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda, Wasiir kuxigeenka Ganacsiga iyo Dalxiiska, Gudoomiyaha Baanka Dhexe, Gudoomiyaha Hayadda Caymiska Qaranka, Gudoomiyaha Dhawrista Tayada, Agaasimaha Guud ee Hayadda Caymiska Qaranka iyo Agaasimaha Guud Wasaaradda Maalgashiga iyo Warshadaha.