Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska JSL iyo Hay'adda Horumarinta Faransiiska ee AFD ayaa iska kaashanaya ilaalinta iyo horumarinta goobaha aasaarta qadiimka ah ee dalka, oo ay ku jirto...

Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska JSL iyo Hay'adda Horumarinta Faransiiska ee AFD ayaa iska kaashanaya ilaalinta iyo horumarinta goobaha aasaarta qadiimka ah ee dalka, oo ay ku jirto goobta taariikhiga ah ee Laasgeel. Iskaashigan waxa uu horumarin doonnaa dalxiiska dalka isagoo abuuri doonna goobo dalxiis oo cusub.
Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska JSL Md. Maxamud Xasan Sacad "Saajin" oo ay wehelinayaan wasiir Xigeenka, Agaasimaha Guud iyo Agaasimayaasha Qorsheynta iyo aasaarta Qadiimka ayaa xarunta wasaaradda kulan muhiim ah kula yeeshay wafti ka socday Hay'adda Iskaashiga iyo Horumarka ee Faransiiska ee AFD iyo Hay'adda Expertise France.