Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska JSL ayaa maanta Tabobar u furtay qaar ka mida Shaqaalaha Goboladda ee Wasaaradda kuwaas oo lagu Tabobari doono Nidaamka Casriga ah ee Diwaaan gelinta Liisamadda Ganc

Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska JSL ayaa maanta Tabobar u furtay qaar ka mida Shaqaalaha Goboladda ee Wasaaradda kuwaas oo lagu Tabobari doono Nidaamka Casriga ah ee Diwaaan gelinta Liisamadda Gancsiga.

(Hargeysa) 06-11-2021, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska JSL Mudane Xamse Xaamud Guuleed ayaa maanta Tabobar uga furay Xarunta dhexe ee Wasaaradda qaar kamida Shaqaalaha Goboladda ee Wasaaradda kuwaas oo lagu Tabobari doono Nidaamka casriga ah ee Diwaan gelinta Liisamadda Ganacsiga “Online Business Registration and Licensing system” (OBRLS), Nadaamkan oo dhowaan Wasaaraddu daahfuri doonto ayaa waxaa uu sahli doonaa in Ganacsatadda Goboladdu si Online ah ku qaataan Liisanka Ganacsiga iyaga oo jooga Goboladda Dalka. Waxaana uu meesha kasaari doonaa waqtigii iyo kharashkii kaga bixi jiray safarka ay u soo safraan Caasimadda Dalka si ay u qaataan Liisanka Ganacsiga, isagoona sahli doona in ay si fudud  hab Online ah ugu qaataan Liisanka Ganacsigooda.

Tabobarkan oo socon doona mudo shan cisho ah ayaa waxa Gobolkasta loo Tabobari doonaa labo qof oo si gaar ah loogu Tabobari doono Nidaamkan, Kuwaas oo Ganacanta ku hayn doona Nidaamkan Diwaan gelinta Liisamadda Ganacsiga ee Goboladda. Waxaana halkaasi Sharaxaad koooban kaga bixiyey Tabobarkan iyo Qaybaha uu ka koobnaan doono Agaasimaha waaxda IT-ga Ibrahim Maxamed Ismaciil oo sheegay in Tabobarkani aad muhiim ugu yahay shaqaalahan Goboladda ee ku shaqayn doona Nidaamkan diwaan gelinta Liisanka Ganacsiga.

Ugu dambayntiina, Waxaa isaguna dhinaciisa ku dheeraaday muhiimada Tabobarkan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Isagoona ka dhawaajiyey in Shaqaalahan maanta Tabobarka loo furay laf dhabar u noqon doonaan Nidaamkan Diwaangelinta Liisamada waxaana uu aad ugu adkeeyey in ay si fiican uga faa’iidaystaan Tabobarkan si ay ugu dabaqaan Shaqadooda.