Wasaaradda Ganacsiga & Dalxiiska iyo Wasaaradda Maal-gashiga iyo Warshada JSL waxa ay dalka ku soo dhaweeyeen maalgashadayaal ka socda dalka India oo danaynaya in ay maal gashadaan Beeraha, Kaluumaysi

Wasaaradda Ganacsiga & Dalxiiska iyo Wasaaradda Maal-gashiga iyo Warshada JSL waxa ay dalka ku soo dhaweeyeen maalgashadayaal ka socda dalka India oo danaynaya in ay maal gashadaan Beeraha, Kaluumaysiga, Kaabayaasha Dhaqaalaha, Caafimaadka & Waxbarashada Farsamada Gacanta.
Wasaaradda Ganacsiga & Dalxiiska JSL ayaa maanta kulan xog lagu siinayay maalgashadayaashaasi Hindida ugu qabatay xarunta Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska JSL. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga & Dalxiiska Mudane Abdirashid Ibrahim, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha & Kaluumaysiga, Dr Ahmed Ali Maah, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maal-gashiga iyo Horumarinta Warshada, Mudane Mohamed Osman, Gudoomiyaha Madbacadd Qaranka Mudane Mohamoud Raage & Wasiir Xigeenka Wasaaradda Waxbarashada & Saynis ka Mudane Abdihakim Saed ayaa xog waran balaadhan ka siiyay wadaagayaasha ay maal gashanayaan ganacsatadaasi iyo shuruucda illaalinaysa Maalgashigooda ee dalku leeyahay.