Wafti balaadhan oo kayimid Waddanka Taiwan oo maalmihii u danbeeyay ku sugnaa caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland si ay u xoojiyaan cilaaqaadka Ganacsi...

Wafti balaadhan oo kayimid Waddanka Taiwan oo maalmihii u danbeeyay ku sugnaa caasimadda  Jamhuuriyadda Somaliland si ay u xoojiyaan cilaaqaadka Ganacsi iyo Dhaqaale ee u dhaxeeya labada Waddan, ayaa maanta booqasho rasmiya ku tagay Goobta Dalxiiska Laasgeel.

Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska JSL oo dhiirigalinaysa Dalxiiska Waddanka, waxa ay maanta ku qaabishay Waftigan Goobta Dalxiiska ee Taariikhiga ah ee Laasgeel.  Waftigan waxa ku soodhaweeyay Laasgeel Agaasimaha Waaxda Qorsheynta iyo Horumarinta Barkhad Sh Abib oo uu wehelinayo Agaasimaha xigeenka Ganacsiga Cabdiqani Sultan Mohamed iyo Xubno kale oo katirsan Waaxda Dalxiiska.