Wafti ay hogaaminayeen madaxweyne Ku Xigeenka JSL iyo Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska ayaa ka Qeyb Galay Daah-furka Mashruuca Dhawrida Soo Jireenka Taariikhda Degmada Laasgeel.

Wafti ay hogaaminayeen madaxweyne Ku Xigeenka JSL iyo Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska ayaa ka Qeyb Galay Daah-furka Mashruuca Dhawrida Soo Jireenka Taariikhda Degmada Laasgeel.

(Hargeisa) 08-03-2020 Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska JSL, mudane Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) ayaa maanta Degmada Laasgeel ee Gobolka Maroodi Jeex kaga qeyb galay Xafladda daah-furka Mashuuraca Dhawrida soo jireenka Taariikhda Laasgeel oo ay iska kaashadeen Midowga Yurub Iyo Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somalialnd.

Waxaana waftigu booqasho ku tageen Buurta Laasgeel oo ah goob leh taariikh soo jireen ah in ka badan Toban kun oo sanno, waxaana ay kormeer ku sameeyeen dhammaan Aasaarta qadiimiga ah ee Buurta laasgeel.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa ugu horayn ka hadlay munaasibad balaadhan oo loo sameeyey mashruuca Dhawrida iyo badbaadinta taariikhda soo jireenka ah ee Degmada laasgeel.

Madaxweyne ku xigeenku waxa uu sheegay qiimaha ay leedahay taariikhda Laasgeel waxaana ka mid ahaa hadaladiisii “Qaran ahaan waan dareen sanahay qiimaha ay leedahay iyo ummadda ay soo jiidatay, dadka ay ina barayso aqoonyahan badan ayey soo jiidataa runtii oo halkan yimaada, aniga qudhayda wax badan ayay iga bedeshay runtii, Xukuumadayadu waxay diyaar u tahay in aad loo horumariyo”

Waxaana uu Bulshada ugu baaqay in la wada ilaashado dhammaan Aasaarta dalka oo ah taariikh soo jireen ah oo ummaddu leedahay waxaana uu yidhi “Dhammaanteen aan gacmaha isu qabsano inaan wada ilaalino Aasaarta aan joogno iyo kuwii kale ee la helaba aad iyo aad baad u mahadsan tihiin”

Waxaa isaguna dhankiisa halkaasi ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska oo ku dheeraaday muhiimada ay qaranka u leedahay goobtani isagoona sidoo kale u mahad celiyey cidkasta oo ka qayb qaadatay mashruucan maanta la daah furay islamar kaana sheegay in ay muhiim tahay in aynu Qaran ahaan ilaashano Goobaha taariikhiga ah ee aynu leenahay.

Ugu Danbayntiina waxaa halkaasi heshiiska Mashuurca Ilaalinta soo jireenka Taariikhda Laasgeel ku kala saxeexday Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland iyo Midowga Yurub iyadoo uu Dawladda Somaliland u saxeexay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) halka uu Midowga Yurubna u saxeexay Amb Nicolas Berlanga, waxaana mashruuca fulinaysa Xarunta Dhaqanka Ee Hargeysa oo uu u saxeexay Gudoomiyaha Xaruntaasi Jaaamac Muuse Jaamac.

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA GANACSIGA W&D