Shirka Wadatashiga Xeer-Nidaamiyaha Xeerka Shirkadaha Somaliland.

(Hargeisa) 08-03-2021, Kulan ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska JSL oo ay ka soo qayb galeen Wasiirka Wasaaradda Mudane Mohamoud Hassan Sa'ad (Saajin), Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Abdirahman Mohamed Muhumed (Abdeeq), Agaasimayaasha Waaxyaha Wasaaradda, Isuduwayaasha Gobolada, Xogyaha Rugta Ganacsiga, Shirkadaha Isgaadhsiinta, Baananka Dalka, iyo Ganacsata JSL, shirkaas oo lagu gorfaynayey Xeernidaamiyaha laga soo dheegay Xeerka Shirkadaha Xeer Lr 80/2018 qabyo qoraalkiisii koobaad.
Waxa halkaa soo jeedin ka sameeyey la taliyaha sharciga ee Wasaaradda Garyaqaan Mustafe Mohamed oo sharaxaad ka bixiyey hanaankii uu soo maray Xeer nidaamiyahani iyo faaidooyinka uu u leeyahay Ganacsatada JSL. Waxa suaalo ku saabsan Xeer nidaamiyahan waydiiyey masuuliyiinta Wasaaradda kasoo qayb galayaasha iyo daneeyayaasha Xeerkan.Gabagabadii waxaa loo balamay in lasoo gorfeeyo Xeer nidaamiyaha lana soo gudbiyo waxii fikir iyo talo ah ee ay ku arkaan qabyo qoraalka.