Shirka wada-tashiga horumarinta ganacsatada yar-yar iyo kuwa dhexe oo ka qabsoomay magaalada Hargeysa

Waxaana ugu horayn si rasmi ah u furay shirka Wasiirka Wasaaradda Mudane Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) isagoo hoosta ka xariiqay muhiimada ay leedahay in si wada jir ah looga wada shaqeeyo fulinta Siyaasadan waxaana uu intaasi ku daray in Wasaaraddu dedaal badan u gashay sidii loo samayn lahaa Siyaasaddan laguna guulaystay islamarkaana ay muhiim tahay in laga wada shaqeeyo sidii loo fulin lahaa Siyaasadan lagu horuumarinayo Ganacsiga Dhexe iyo hoose, waxaa isaguna dhankiisa halkaasi ka hadlay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Mudane Muuse Ibrahim Salef isagoona dhankiisa ku dheeraday muhiimada ay leedahay fulinta Siyaasaddan iyo in ujeedada loogu soo casuumay Wasaaradaha iyo Hay'adaha ay khusaysaa fulinteedu ay tahay sidii waajib isku mid ah laysaga saari lahaa Siyaasadan.