shirka Saddex Bilood laha ah ee Wadaagaha Dhaqaalaha ee Qorshaha Horumarinta Qaranka ee Saddexaad (Economic Sector Coordination Meeting)

Waxa maanta qabsoomay shirka Saddex Bilood laha ah ee Wadaagaha Dhaqaalaha ee Qorshaha Horumarinta Qaranka ee Saddexaad (Economic Sector Coordination Meeting.

Waxa lagaga wada hadlaa mudnaanaha dhaqaalaha ee QHQ ee 3aad iyo siddii la isaga kaashan lahaa hiigsiyadda qaranka ee ku aadan dhaqaalaha.

Wadaagaha Dhaqaalaha waxa hoggaamiya Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska iyo Rugta Ganacsiga ee JSL oo ah Gudoomiye Xigeenka Wadaagaha. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska JSL ayaa furay shirka.

Hay'adaha kala duwan ee wadaagaha dhaqaalaha, Shirkadaha Gaarka loo leeyahay ee kala duwan, Midawga Baananka JSL ayaa shirka qayb ka ahaa.