Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland mudane Cabdiraxmaan Xasan Nuur iyo Wafti uu hogaaminayo ayaa safar shaqo ku tagay Magaaladda Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer..
Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland mudane Cabdiraxmaan Xasan Nuur iyo Wafti uu hogaaminayo ayaa safar shaqo ku tagay Magaaladda Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer.Ugu horayn waxa Wasiirka iyo waftiga halkaa kusoo dhaweeyay masuuliyiinata wasaaradda ee Gobolka Togdheer iyo madax kale, inataa kadibna waxay kulamo kala duwan la qaataeen Badhasaabka Gobolka Togdheer iyo Maayar ku-xigeenka degmada Burco.
Intaa kadib wuxuu Wasiirka iyo waftiga uu hogaaminayay booqashooyin ku tageen goobo ay kamid ahaayeen Sayladda Xoolaha ee Magaaladda Burco, Warshadda biyaha & sharaabka ee Saxansaxo Group of Companies iyo Shirkadda Ilays, waxaanay kulamo la qaateen madaxda shirkadahan.
Ugu danbayn waxaa uu Wasiirka iyo waftigu kulan la qaateen masuuliyinta iyo shaqaalaha kala duwan ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska ee Gobolka Togdheer waxaanay ka dhagaysteen warbixino kala duwan oo ku saabsan isku socod ganacsiga iyo xabkaha ee Gobolka, Wasiirka dhankiisa ku ammaanay shaqa wanaagsan ee ay qaranka u hayaan waxaanuu ku dhiiri galiyay inay sii laban laaban.
Ujeeddada guud ee safarku ayaa isugu jirtay kormeer iyo daah-furka xafiiska Xabkaha iyo Faleenka ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska ee Gobolka Togdheer oo Dhawaan la furi doono.