Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Mudane Muuse Ibrahim Yusuf (Selef) ayaa maanta ku soo dhaweeyay Goobta Dalxiiska Aasaarta Qadiimiga ah ee Laasgeel Wafti culus...

Hargeysa 25-Jan-2022: Wasiir ku-xigeenka  Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Mudane Muuse Ibrahim Yusuf (Selef) oo uu wahelinayo Agaasimaha Waaxda Qorshaynta Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska  Barkhad Sh Abib ayaa maanta ku soo dhaweeyay Goobta Dalxiiska Aasaarta Qadiimiga ah ee Laasgeel Wafti culus oo ka socda  Safaaradda Norway ee fadhigeedu yahay Kenya -Nairabi. Waftigan oo ay horkacayay Madaxa xidhiidhka iyo horumarka (Haakon Svane iyo Erling Johnsen).
Wasiir ku-xigaanka iyo waftiga waxay shir kooban ku qaateen qolka nasashada Dalxiiska ee Laasgeel, halkaas oo ay ka wada hadleen arrimo laxidhiidha iskaashiga dhinaca Horumarinta Dalxiiska iyo ilaalinta goobaha taariikhiga ah ee Dalka oo ay ugu horeyso Laasgeel. 
Shirku markii uu dhamaaday kadib, waftigu waxa uu u dhaqaaqay booqashada dhagxaanta  xardhan ee Laasgeel. Halkaas oo waftiga laga siiyay warbixin ku saabsan Laasgeel iyo micnaha sawirada ku xardhan goobtan