Kooxda Kormeerka iyo dabagalka liisamada ganacsiga Gobolka M-Jex ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland oo maanta la guddoonsiiyay ID-card-kodi shaqada ee ay ku hawl geli lahaa

05/10/2022, Arbaca.
Kooxda Kormeerka iyo dabagalka liisamada ganacsiga Gobolka M-Jex ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland oo maanta la guddoonsiiyay ID-card-kodi shaqada ee ay ku hawl geli lahaayeen.
Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska JSL, iyada oo fulinaysa xeerka liisamada ganacsiga 98/2021 waxa ay hore u aas aastay kormeerayaasha gobolada dalka ee dabagalka liisamada ganacsiga. Iyada oo maanta la guddoonsiiyay kooxda dabagalka ee Gobolka M-Jeex ID-Card-ka kormeerka ee ay ku hawl gali lahaayeen.
Wasaaraddu waxa ay muhiimad gaar ah siinaysaa nidaamka nabad-galyada iyo xasiloonida suuqa ganacsiga, iyada oo kormeere aan haysan aqoonsi lagu garto aan loo dirin suuq-yada magaalaooyinka.
Kulankan oo ay kasoo qayb galeen qaar ka mid ah Agaasimayaasha Waaxyaha Ee Wasaaradda iyo Isuduwaha Gobolka ee M-jeex. Iyada oo ugu danbeyn tii dhammaan kormeerayaasha la guddoonsiiyay aqoosnigooda shaqada.
Allah Mahad leh.
Xafiiska Warbaahinta ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska