Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska JSL Mudane Abdirashiid Ibrahim oo uu weheliyo Agaasimaha Waaxda Qorshaynta iyo Horumarinta...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska JSL Mudane Abdirashiid Ibrahim oo uu weheliyo Agaasimaha Waaxda Qorshaynta iyo Horumarinta, Mudane Barkhad A. Hassan, ayaa la kulmay Agaasimaha Horumarinta ee FCDO, Christopher Pycroft, iyo Christina Toepell, Wakiilka Horumarinta iyo Ku-xigeenka Madaxa Xafiiska Ingiriiska ee Somaliland.
Kulanka waxa lagaga wada hadlay horumarinta xiriirka ganacsi iyo sidii loo horumarin lahaa ka faa'iidaysiga qurba-joogta Somaliland si ay ugu xirmaan ganacsiyada UK, iyo sidoo kale sahminta fursadaha suuqa Ingiriiska.
UK waxay si buuxda u taageertaa koboca dhaqaale ee Somaliland iyada oo gacan weyn ka geysanaysa horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka.