Hubinta Badqabka Badeecadaha ka hor inta aan loo soo dhoofin Somaliland.

Hubinta Badqabka Badeecadaha ka hor inta aan loo soo dhoofin Somaliland.
Barnaamijka hubinta badqabka badeecadaha ka hor intaan lakeenin Dalka waa arrin waajib ah oo lagarabo dhamaan Ganacsatada badeecadaha Dalka soogalinaya.
Shirkadda Cotecna oo la shaqaynaysa Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska ayaa ka masuul ah inay bixiso Shahaadada badqabka badeecadaha (Certificate of Conformity)
Cotecna waa Shirkad caalami ah oo hormuud ka ah hubinta, baadhitaanada laxidhiidha badqabka badeecadaha, iyo bixinta adeegga shahaadada badqabka badeecadaha. Cotecna waxa la aasaasay sannadkii 1974,waxay Xarumo ku leedahay in kabadan boqol Waddan Xarunteeda dhexena  waxay ku tallaa Switzerland 
Waxa Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland Taariikhdu markay ahayd 8da March 2022 isugu yeedhay kulan wada tashi oo ka soo qayb galeen khubaro ka socota Cotecna oo bixinaysay tababaro la xidhiidha hubinta badqabka alaabta Ka hor inta aan loo soo dhoofin Somaliland. Kulanka oo ka dhacay Hotel Casood waxaa daahfuray Wasiirka Wasaarada Ganancsiga Iyo Dalxiiska, Mudane, Mohamoud Hassan Sacad (Saajin).
Waxaa Wasaaradda ku wahelinayay kulankan:
• Wasaaradda Maaliyadda 
• Maamulka dekedda Berbera 
• Rugta Ganancsiga