Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland mudane Cabdiraxmaan Xasan Nuur iyo waftigii uu hogaaminayay oo muddooyinkii u danbeeyay safar shaqo ujoogay Caasimada DDS ee Jigjig

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland mudane Cabdiraxmaan Xasan Nuur iyo waftigii uu hogaaminayay oo muddooyinkii u danbeeyay safar shaqo ujoogay Caasimada DDS ee Jigjiga, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha DDS Mudane Mustafe Muxummed Cumar.
Waxaana kamid ahaa qodobadii ugu muhiimsanaa ee laga wada hadalay isla markaana laysla qaatay.
1. Muhiimadda uu iskaashigu u leeyahay labada labada dal ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Federaalka Itoobiya, gaar ahaanna labada bulsho ee ku kala nool Jamhuuriyadda Somaliland iyo DDS maadaama ay xad dheer wadaagaan yihiinna bulsho leh xidhiidh diimeed, dhaqaale iyo bulsho.
2. In la xoojiyo lana hirgaliyo qodobadii ay hore isula qaateen Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska JSL iyo Wasaaradda Ganacsiga iyo Gaadiidka DDS.
3. In laga wada shaqeeyo dhammaan danaha guud ee ay labada dhinac wadaagaan.
Ugu danbayn, waxa kulanka lagusoo gunaanaday mahadnaq iyo salaan uu Madaxweynaha DDS uu waftiga uu Wasiirku horkacayo ugu soo dhiibay Madaxweymaha JSL.