Heshiiska Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika (AfCFTA) ayaa ujeedadiisu tahay in la horumariyo ganacsiga Afrika dhexdooda. Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Mudane Mohamed Hassan

Heshiiska Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika (AfCFTA) ayaa ujeedadiisu tahay in la horumariyo ganacsiga Afrika dhexdooda.
Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Mudane Mohamed Hassan Saad "Saajin" oo uu wehelinayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska JSL ayaa kulan la yeeshay Amb. Benson Mwaliko, oo ah Qunsulka Kenya ee Jamhuuriyadda Somaliland - wada-hadallo ku aadanaa sidii kor loogu qaadi lahaa ganacsiga iyo sidii meesha looga saari lahaa caqabadaha ganacsi ee u dhexeeya labada waddan.