Dawladda Somaliland waxay u heellan tahay horumarinta xidhiidhka dhaqaale ee ay la leedahay dawladda Taiwan & ganacsiga gaarka loo leeyahay ee dalkaa

Dawladda Somaliland waxay u heellan tahay horumarinta xidhiidhka dhaqaale ee ay la leedahay dawladda Taiwan & ganacsiga gaarka loo leeyahay ee dalkaa iyadoo kobcinaysa siddii ganacsatada labada dal ay u wada yeelan lahaayeen ganacsi suuro galiya in Somaliland ay noqoto marinka ganacsi ee Taiwan ee dalalka Afrika.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Abdirashid Ibrahim Sh. Abdirahman oo ay wehelinayaan masuuliyiinta waaxda Ganacsiga ee wasaaradda ayaa qaabilay wefti ka socda OPIC Somaliland, oo ay hoggaaminayso wakiilkooda Somaliland Marwo Hsiang-chen Lin.