Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dalka Taiwan (Jamhuuriyadda Shiinaha) ayaa Caasimadda dalka Taiwan ee Taipei ku kala saxeexday Heshiis Ganacsi. Wasiirka Wasaaradda Dhaqaalaha ee dalka Taiwan..

Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dalka Taiwan (Jamhuuriyadda Shiinaha) ayaa Caasimadda dalka Taiwan ee Taipei ku kala saxeexday Heshiis Ganacsi.
Wasiirka Wasaaradda Dhaqaalaha ee dalka Taiwan, Ms. Mei-Hua Wang iyo Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska ee Somaliland Mudane Maxamuud Xasan Sacad "Saajin" ayaa heshiiska u saxeexay labada dawladood iyagoo goob joog ay ka ahaayeen, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska JSL Mudane Cabdirashiid Ibrahim, Maareeye Xigeenka Hay'adda Aaga Cashuuraha ka Caagan ee Somaliland Abdikarim Ibrahim,Safiirka Somaliland ee dalka Taiwan Mudane Mohamed Hagi iyo ganacsatada labada wadan wakiilo metelaayay.
Labada wasiir waxa ay si weyn u amaaneen xidhiidhka diblomaasiyadeed ee ay leeyihiin dawladaha Somaliland iyo Taiwan iyagoo ka waramay muhiimadda heshiis kan ganacsi u leeyahay ganacsatada labada waddan iyo gaar ahaan Somaliland oo ah marinka Africa ee ganacsiga Africa ee dalka Taiwan.