Daah-furka Adeegga Casriyeynta Diiwaangalinta iyo Liisan bixinta Ganacsiga

Daah-furka Adeegga Casriyeynta Diiwaangalinta iyo Liisan bixinta Ganacsiga

Hargeysa, Somaliland 29-June 2022: Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda
Somaliland
waxa ay maanta Daah-furtay Adeegga Casriyeynta Diiwaangalinta Liisan bixinta Ganacsiga.
Adeeggan ayaa u sahli doona dhamaan Ganacsatada inay si hab online ah u soo dalbadaan adeegyada Diiwaangalin iyaga oo aan wakhti ku lumin doonin inay yimaaddaan Xarunta iyo Xafiisyada Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska. Munaasabadda Daahfurka Waxa ka sooqaybgalay Wasiirada Wasaaradaha Ganacsiga iyo Dalxiiska, Horumarinta Maaliyadda, Isgaadhsiinta, Maalgashiga, Qorsheynta, Wasiirku xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska, Guddomiyaha Baanka dhexe ee JSL, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Diblomaasiyiin, Hay’ado caalamiya, iyo Ganacsatada qaybaheeda kala duwan.
Dhaamaan Ganacsatada waxa lagu dhiirigaliyay in maanta laga bilaabo ay u soodalbadaan Adeegyada Diiwaangalinta Wasaaradda iyaga oo soo maraya hab Online ah oo booqanaya degelka Wasaaradda ee