Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska JSL Mudane Mohamoud Hassan Saad “Saajin”oo ay wehelinayaan Wasiir Xigeenka & Agaasimaha Guud ee Ganacsiga iyo Dalxiiska JSL ayaa dalka ku soo dhaweeyey,....

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska JSL Mudane Mohamoud Hassan Saad “Saajin”oo ay wehelinayaan Wasiir Xigeenka & Agaasimaha Guud ee Ganacsiga iyo Dalxiiska JSL ayaa dalka ku soo dhaweeyey, Mr. Eugene Y.J. Chen oo ah Agaasimaha Guud ee Iskaashiga Caalamiga ah ee Wasaaradda Dhaqaalaha ee Dalka Taiwan iyo wafti balaadhan oo uu horkacay kaas oo uu qayb ka ahaa Safiirka Dalka Taiwan u fadhiya Somaliland Ambassador Allen C.H. Lou.
Waftiga Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhaqaalaha dalka Taiwan waxa wehelinayay Madaxa Xafiiska Xiriirka Taipei ee Jamhuuriyadda Koonfur Afrika, Mr. Ching-Jung Lo, Madaxa Shirkadda Shidaalka ee Taiwan, Mr. Hung-Jen Lin iyo masuuliyiinta dhinaca Macdanta iyo Khayraadka ee dalka Taiwan.
Kulan laba geesood ah ayaa dhex maray Wasaaradda Ganacsiga & Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland iyo Wasaaradda Dhaqaalaha ee dalka Taiwan oo lagaga wada hadlay iskaashiga labada wadan ee dhinaca ganacsiga & dhaqaalaha. Waxa siddoo kale labada dal dhawaan ay yeelan doonnaan heshiis rasmi ah o dhinaca gacansiga iyo dhaqaalaha ah.
Dawladda Taiwan & Dawladda Somaliland waxa ay ka wada shaqeeyaan siddii loo kobcin laha ganacsiga u dhexeeya labada dal. Waxa siddoo kale dawladda Taiwan ay Wasaaradda ganacsiga iyo Dalxiiska shaqaalaheeda siisaa tabo-baro joogto ah oo ay ku soo qaataan dalka Taiwan oo la xidhiidha horumarinta Ganacsiga.
Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska JSL Mudane Mohamoud Hassan ayaa uga mahad celiyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhaqaalaha Dalka ee Taiwan, Mr. Eugene Y.J. Chen booqashada rasmiga ah ee uu ku yimid dalka Somaliland.