Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa si rasmi ah u furay Madxafkii ugu horeeyay ee uu yeesho qaranka Jamhuuriyadda Somaliland..

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa si rasmi ah u furay Madxafkii ugu horeeyay ee uu yeesho qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, oo ku yaal badhtamaha magaalada Hargeysa. Madxafkan ayaa ah mid muhiim u ah taariikhda Somaliland iyo jiilasha soo socda, isagoo xoojinaya aqoonta iyo fahamka dhaxalka dhaqankeena iyo hiddaheena. Waxaa uu kaalin weyn ka qaadan doonna koboca dhinaca dalxiiska ee dalkeenu uu samaynayo isagoo soo jiidan doonna dalxiisayaal dibbada ka yimaada iyo dalxiisayaasha gudahaba.