Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha iyo Ha,aayadaha katirsan Wadaagaha Dhaqaalaha Economic Setctor) ayaa maanta kulan kuyeeshay Wasaarada Ganacsiga iyo Dalxiiska.

07-2-2024 (Hargeisa), Agaasimayaasha Guud ee  Wasaaradaha iyo Ha,aayadaha katirsan Wadaagaha   Dhaqaalaha Economic Setctor)  ayaa maanta kulan kuyeeshay Wasaarada Ganacsiga iyo Dalxiiska. 

Kulan Agaasimayaasha Guud isugu yimaadaan waxaa Gadhwadeen kahaa Agaasimaha guud Ee Wasaarada Ganacsiga iyo Dalxiiska Md Abdirashiid Ibraahim sh. Abdirahmaan .

Shirka Wadaagaha Dhaqaalaha (Economic Sector Coordination Meeting ), ayaa ka mid ah Qorshaha horumarinta Qaranka ee 3aad(NDP3).

Kulankan wadaagaha dhaqaalaha oo sanadkiiba Afar jeer Qabsooma, ayaa maanta kulan muhiimka ah ee ay Agaasimayaasha guud   isuguyimaadeen waxa lagu falanqeeyey Waxyaabaha  sanadkan 2024   wadaagaha Dhaqaalaha u qorshaysan.

Allah Mahadleh