Agaasimaha Guud Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska JSL ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Gobolka Gabiley.

, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska JSL Mudane Xamse Xaamud Guuleed iyo Agaasimaha Waaxda Daryeelka iyo Horuumarinta Aasaarta Qadiimiga ah Mudane Ayaanle Cabdiraxmaan ayaa kormeer shaqo ku tagay Gobolka Gabiley. Kormeer kaas oo ujeedadiisu ahayd sidii wax looga qaban lahaa Goobaha Dalxiiska ee ku yaala Gobolka Gabiley, waxaana ugu horayntii Xafiiskiisa ku qaabiley Gudoomiyaha Golaha Deegaanka degmadaasi ahna Duqa Magaaladda Mudane Maxamed Amiin Cumar Cabdi iyagoona intaasi kadib soo kormeeray Goobaha Dalxiiska ee Gobolka.