Agaasimaha guud ee Wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska oo kulan kaga qayb galay Hotel Maansoor Hargeisa

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska oo kulan kaga qayb galay Hotel Maansoor Hargeisa

(Hargeisa) 16-03-2020, Agaasimaha guud ee wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha, iyo Dalxiiska JSL mudane Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Eng Abdeeq) ayaa kulan wada tashi oo ka dhacay Hotel Maansoor ka qayb galay kulan kaas oo uu shir gudoominayey Agaasimuhu ayaa waxa kasoo qayb galay Agaasime waxeedo,la taliyayaal, Madax qaybeed yada iyo qaar ka mid shaqaalaha Wasaaradda waxaana ujeedada kulan kaasi daraanayd wada tashi ay Wasaaradu ka yeelatay qorshe sanadeedka 2020 kaas oo lagu lafo guray wax yaabaha uu koob sanayo iyo fulinta qorshe sanadeedka Wasaaradda ee sanadka 2020 kaasi oo kulan ka aad looga dooday sidii loo fulin lahaa.

Waxaana ugu horayn halkaas ka hadlay Agaasimaha waaxda qorshaynta Mudane Barkhad Abiib Xasan oo sharaxaad guud ka bixiyey qorshan cusub ee Wasaaradu ku shaqayn doonto sanadkan isagoona tilmaamay muhiimada qorshani Wasaaradda iyo qaran kaba u leeyahay, iyadoona intaasi ka dib la gudo galay lafo gurka qorsha han islamarkaana dhamaan Waaxyaha kala duwan ee Wasaaradu ay halkaas kusoo bandhigeen talooyin wax ku ool ah oo ku saab san fulinta qorshahan.

Ugu dambayntiina waxa halkaasi ka hadlay Agaasimaha guud oo shaqaalaha kala duwan aad ugu adkeeyey in ay xil iska saraan in uu qorshani u fulo sidii loogu talo galay islamarkaana lagala xisaab tami doono waaxkasta waxyaabaha u qorshaysan marka uu dhamaado waqtiga qorshe sanadeedkani iyadoona lagu samayn doono dabo gal joogto ah inta lagu jiro fulinta qorshan.