Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Md Abdirashid Ibrahim Sh. Abdirahman oo ay wehelinayaan Agaasimayaasha Waaxaha Qorshaynta iyo illaalinta Asaarta Qadiim ka ah ayaa

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Md Abdirashid Ibrahim Sh. Abdirahman oo ay wehelinayaan Agaasimayaasha Waaxaha Qorshaynta iyo illaalinta Asaarta Qadiim ka ah ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Danida ee Somaliland, Mathias Kjaer iyo La Taliyaha Koboca Dhaqaalaha ee Dannida Ms. Marianne Vestergaard.
Horumarrada kaabayaasha dhaqaalaha, isku-dubbaridka Wadaagaha dhaqaalaha, iyo adeegsiga tignoolajiyada si loo fududeeyay ganacsiga ayaa ka mid ahaa waxyaabaha laga wada hadlay. Danida iyo saaxiibadda kale ee Somaliland waxa ay wasaaradda ka taageeraan casriyayna nidaamka Diiwaan gelinta Ganacsiyadda iyo maamulkooda.