Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga & Dalxiiska JSL Mudane Abdirashid Ibrahim Sh. Abdirahman ayaa hadal ka jeediyay Shirka Isku xidhka Suuqa Taiwan iyo Afrika oo lagu qabtay Caasimadda dalka Taiwa

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga & Dalxiiska JSL Mudane Abdirashid Ibrahim Sh. Abdirahman ayaa hadal ka jeediyay Shirka Isku xidhka Suuqa Taiwan iyo Afrika oo lagu qabtay Caasimadda dalka Taiwan ee Taipei. Shirkaasi waxa ka soo qayb galay dawladdaha saaxiibka la ah dalka Taiwan iyo in ka badan 100+ Shirkadaha dalka Taiwan ka mid ah oo xiisaynaya in ay xidhiidho ganacsi la bilaabaan Somaliland iyo dalalka Afrika.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga & Dalxiisku waxa uu ganacsatada dalka Taiwan iyo dawladihii shirka ka soo qayb galay ba la wadaagay “In dawladda Somaliland ay diyaar u tahay in ay noqoto albaabkii ay u mari lahaayeen ganacsatada dalka Taiwan Afrika iyaga oo ka faa’iidaysanayna goob-siyaasadeedka istaraatiijiga ah ee ay Somaliland dhacdo, kana faa’iidaysannaya kaabeyaasha ganacsi ee casriga ah, oo ay ka mid yihiin Dekedda la ballaadhiyey ee Berbera, Berbera Corridor iyo Aagga Dhaqaalaha Cashuuraha ka caagan ee Berbera”
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska JSL Mudane Abdirashiid waxa kale oo uu ku wargeliyay shirkadihii iyo dawladihii ka soo qayb galay kulanka in Somaliland u furan tahay ganacsi, isla markaana ay si sharaf leh u sugayso in shirkadaha Taiwan ay ganacsi laxaad leh la yeeshaan ganacsatada Somaliland iyo kuwa Afrika iyagoo u sii maraya Jamhuuriyadda #Somaliland.