Agaasimaha Guud ee Wasaaradda ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska JSL Mudane Hamza Hamud Guled ayaa qaabilay shirkada HYWEB ee Taiwan iyo Agaasimaha Waaxda ICT ee Wasaaradda Isgaadhsiinta...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska JSL Mudane Hamza Hamud Guled ayaa qaabilay shirkada HYWEB ee Taiwan iyo Agaasimaha Waaxda ICT ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Technology oo mashruuca Xog-wadaaga (Somaliland S-road Information System) dawladda kaas oo Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda JSL hirgelintiisa ay wado.
Agaasimaha Guud ayaa uga waramay Mashruuca Diiwaan galinta Ganacsiga iyo Liisan qaadashada oo ay Wasaaraddu dhamaystirtay kuna xidhmay qaar ka mid ah Mashaariic hirgalay oo ka shaqeeya Wasaaradaha Qaarkood.
Shirkadda HYWEB ayaa halkaa ku waydiisay Agaasimaha IT-ga Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Mudane Ibrahim suaalo ku saabsan qaybaha farsamo ee Mashruuca BRLS (Business Registration and Licencing System), halkaas oo Agaasimuhu si faahfaahsan uga Jawaabay.