Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska, Mudane Cabdiraxmaan Xasan Nuur,ayaa Soo afmeeray Kulanka qorshesanadeedka 2025 iyo  Dib u eegista Waxqabadkii Sanadkii 2024.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska, Mudane Cabdiraxmaan Xasan Nuur,ayaa Soo afmeeray Kulanka qorshesanadeedka 2025 iyo  Dib u eegista Waxqabadkii Sanadkii 2024.
Kulan kan oo mudo laba cisho ah socday ayaa ka qabsoomay Hotel Ampassador ee magaalda Hargeisa.

 Ujeedadda kulan  kan ayaa daaranaa  soo bandhigida qorshesanadeedka 2025, iyo   dib u eegista waxqabadkii sanadkii hore 2024.

Waaxyaha kaladuwan ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska ayaa soo bandhigay qorshe hawleedyadooda sanadka 2025 iyo Waxyaabihii u qabsoomay 2024.

Waxyaabaha Muhiimka ah ee la islameeldhigay intii uu shirkani socday waxa ka mid ahaa sidii qorshaha qaranka ee 3aad (NDP3) iyo   qorshaha Xukuumada cusub la,isku waafajin lahaa , si ay Siyaasadaha iyo  Xeerarka Wasaaraddu ku shaqayso ula jaanqaadaan xukuumada Cusub.

Sidookale waxa la islameeldhigay sidii xeerarka iyo siyaasadaha qabyo-qoraalka ah loogu gudbin lahaa golaha Wasiirada iyo xukuumada.

Waxa xusid Mudan intii uu kulankani socday in hoosta laga xariiqay sidii ganacsatada loogu fududayn lahaa arimaha kusaabsan shuruucda ganacsiga,si dhanqaalaha dalku kor ugu kaco.

Waxyaabaha diirada lagu saaray islamarkaana la islaqaatay waxa kamid ahaa   in adeegyada ay wasaaradu bixiso ay noqdaan qaar casiriya oo lajaanqaadikara tignoolajiyada casiriga ah.

Arimaha muhiimka ah ee shirkan kasoobaxay  waxa mid ahaa in muhiimad gaar ah lasiiyey ganacstada yar-yar iyo kuwa dhexe boqolka cisho ee soo socda.

Ugu danbayn Wasiirka Wasaaradda ganacsiga iyo Dalxiiska ayaa ku bogaadiyey Waaxyaha kaladuwan ee wasaarada hawlqabadkoodii sanadkii 2024, sidookale Wasiirka Wasaaradda ayaa kula dardaarmay dhamaan Agaasime Waaxeedyada kala duwan in ay maamul daadajin balaadhan sameeyaan si ay shaqadu u fududaato.