Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska JSL mudane Maxamed Xasan Sacad oo uu wehelinayo Agaasimaha Guud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Kenya..

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska JSL mudane Maxamed Xasan Sacad oo uu wehelinayo Agaasimaha Guud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Kenya u fadhiya Somaliland, Ambassador Abdiweli M. Hussein, OGW.
Waxa kulanka lagaga wada hadlay iskaashiga dhinaca ganacsiga iyo isku xidhka ganacsatada labada dal iyo siddii loo heli lahaa gaadiid isku xidha dekedaha Berbera iyo Mombasa. Somaliland waxa ay Kenya u dhoofisaa Beeyada, Malmalka, Maydiga iyo kaluunka.