Xeerka Liisamada Ganacsiga Somaliland, Xeer Lr. 98/2021

Wareegto Madaxweyne Dhaqan-galka Xeerka Liisamada Ganacsiga, Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markaan Arkay: Qodobada 11aad, 75aad, 76aad iyo 77aad iyo 113aad ee Datuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markaan Arkay: Go’aanka Golaha Wakiillada jamhuuiyadda Somaliland, Go’aan Lr.GW/KF-45/891/2021, ee ku taariikheysan 10/07/2021, ee ay ku ansixiyeen Xeerka Liisamada Ganacsiga, Xeer Lr. 98/2021; Waxaan soo-saaray; Dhaqan-galka Xeerka Liisamada Ganacsiga Jamhuriyadda Somaliland, Xeer Lr. 98/2021.