KORMEERKA Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Abdirahman Hassan Nour iyo Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda, Mudane Jawhar Saed Warsame

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Abdirahman Hassan Nour, oo uu Weheliyo Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda, Mudane Jawhar Saed Warsame ayaa kormeeray Xafiisyada iyo Waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiisku ka koobantahay.
Kormeerka ayaa daaranaa isbarasho iyo Dardargalinta shaqada Baaxada leh ee taala wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska.
Dhanka kale Agaasime waaxeedyada iyo Shaqaalaha ayaa si diiran u soo dhaweeyey Wasiirka iyo Wasiir ku-Xigeenka.
Sidookale Dhamaan Agaasime waaxyada Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska ayaa faahin ka bixiyey waajibaad kooda shaqo ee ay wasaaradda u hayaan