Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska JSL  waxay soo qaban qaabisay tababar 2 maalin soconayay (6th  iyo 7th  March, 2022) oo loo qabtay Ganacsatada qaybaheeda kala duwan

Hargeysa March 7, 2022: Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska JSL  waxay soo qaban qaabisay tababar 2 maalin soconayay (6th  iyo 7th  March, 2022) oo loo qabtay Ganacsatada qaybaheeda kala duwan oo tiro ahaan gaadhaya 80 Ganacsato oo lagu tababarayay Hannaanka Casriga ah ee Diiwaangalinta iyo Liisan bixinta iyo Shuruucda laxidhiidha Ganacsiga sida Xeerka Shirkadaha Somaliland ( Xeer Lr 80/2018) iyo Xeerka Liisamada Somaliland ( Xeer Lr 98/2021).

Ganacsatadani waxay ka yimaaddeen Gobolada Dalka sida Berbera, Borama, Burco iyo Ceerigaabo.

Madashani waxay fududeysay fahanka Ganacsatada Nidaamkan casrigaha iyo Xeerarka la xidhiidha Ganacsigooda.

Nidaamka Casriga Diiwaangalinta Ganacsiga iyo Liisanbixinta  oo dhawaan Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiisku Daah-furi doonto, waxa uu imika ku jiraa xaalad tijaabo ah oo ay Ganacatadu iyaga oo goobahooda jooga isa soodiiwaangalin karaan oo Liisanka Ganacsiga qaadan karaan.