Hadafka siyaasadda Ganacsatada Yar Yar waa in la horumariyo ganacsiga iyo in la kobciyo...


Hadafka siyaasadda Ganacsatada Yar Yar waa in la horumariyo ganacsiga iyo in la kobciyo, iyada oo loo marayo abuurista jawi ama deegaan ganacsigu ku horumari karo si xawli ah, iyadoo laga faaiidaysanyo fursadaha tignoolajiyada. Doorka Wasaaradda Ganacsiga & Dalxiisku waa in ay isku duba rido (Coordination) dadaalada socda ee ku aadan hirgelinta siyaasaddan si looga midha dhaliyo hiigsiga siyaasadda.
Hadda Wasaaradda Ganacsiga & Dalxiiska JSL waxa ay ku hawlan tahay Samaynta dariiqii loo marayay hirgelinta Siyaasadda Ganacstada yar yar iyadoo la samaynayo qorshe istiraatijiyadeedka muddada-gaaban.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga & Dalxiiska JSL Mudane Abdirashid Ibrahim Sh. Abdirahman oo uu wehelinayo Xoghayaha Guud ee Rugta Ganacsiga Somaliland Mudane Ibrahim ayaa furay shir lagaga arrinsanayay dejinta qorshaha dhaw ee hirgelinta Siyaasadda Horumarinta Ganacsatada yar yar.